X

Haweenaydii dooda uga adkaatey Cumar binu Khadaab

Rabi raali haka noqdee saxaabigii weynaa ee Cumar Binu Khadaab ee xilligiisii diintu ka soo baxday Makka iyo Madiina soona gaartey Yurub iyo Iiraan ayaa maalin isaga oo taagan minbarkii masjidka rasuulka scw ayuu ka hadlay lacagta meherka oo korodhay.



Kadib geerida rasuulka scw ma jirin wax isbedela oo lagu sameeyay masjidka rasuulka scw haweenkuna si caadiya ayay ugu tukan jireen. Haddaba khaliif Cumar binu Khadaab oo la hadlaya dadka ayaa yiri maxaad u kordhiseen lacagta meherka ayadoo xiligii rasuulku noolaa scw aan bixin jirnay 400 oo dirham ama ka yar.



Wuxuuna sheegay inaan darajo sare lagu gaarayn, marka yaynaan maqlin nin ayaa bixiyay wax ka badan 400 oo dirham lacagta meherka. Khaliif Cumar waa ka soo degay minbarka kadibna haweenay qabiilka Qureesha oo lagu tilmaamay inay dheerayd san simana lahayd ayaa joojisay khaliif Cumar waxayna ku tiri yaa amiir muminiin miyaad mamnuucday in haweenka laga bixiyo wax ka badan 400 oo lacagta meherka ah.



Amiir Cumar ayaa ku jawaabay HAA. Kadibna waxay ku tiri miyaanad maqal waxa Alle ka yiri arintan. Khaliif Cumar oo su’aashu fikir ku abuurtey ayaa yiri waa suuradee ayaad u jeedaa.

Miyaanad maqal suurada An-Nisa’ 4: 20) ee Alle inoogu sheegay laakiin haddii aad rabto inaad haweenay kale guursato oo aad mid ka mida siisay hadyado farabadan waxba dib ha uga qaadanin, ma aqbalaysaa cadaalad xumo iyo dembi cadaana.



Khaliif Cumar ayaa yiri markuu maqlay aayada YAA RABI I CAFI dadka oo dhan waa iga cilmi badan yihiin. Soo werin kale ayaa lagu yiri haweenaydu waa saxsanayd halka khaliif Cumarna uu khaldamay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.