X

Maxaa sababay haweenay dishey ninkeedii hore degmada Wajaale

Dilkan foosha xun ee dhacay xalay fiidkii ayaa haweenay Bartamaha Suuqa Wajaale oo ku taala xadka Itoobiya iyo Somaliya ay toorey dhowr jeer la dhacday ninkeedii hore oo ay kala tageen.


Ninka xaaskiisii hore dishey ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Ow Jaamac wuxuuna la socdey haweeney uu dhawaan ka soo guursaday Magaalada Bahardaar ee Ismaamulka Amxaarada Itoobiya xilliga dilku dhacay, isla markaana lala dhaawacay.

Dilkan aya sida cad ku salaysnaa masayr maadaama ninkeedii hore guursaday isla markaana uu suuqa la laafyoonayo, taasi oo xaaskiisii hore u adkeysan weyday sida ay sheegeen dad ka ag dhawaa.


Haweeneyda falka dilka iyo dhaawaca ah geysatay oo isku dayday inay baxsato hase yeeshee dadkii ka agdhawaa dilkan foosha xun ay askarta u dalbadeen isla markiina la soo qabtey.

Dhacdadan foosha xun ayaa dadka magaaladu hadal hayaan. Qoyska laga diley wiilka ayaa dalbadey in hore laga dilo. Lama sheegin inay lahayd caruur ay u dhashay ninka ay hadda dishey.


Dhacdooyinkad dilka ee haweenku gaystaan ayaa la moodaa inay badanayaan waxana loo aaneeya filimada ajaanibta ee dhaqamadooda faafiya ee ay daawadaan ayuu qabaa Xuseen Warame oo jooga Hargeysa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.