Waxa manta is rasaasayn ka dhacdey garoonka magaalada Kismaayo ee uu ka taliyo maamulka Axmed Madoobe oo taageero ka hela ciidanka Kiiniya ee hadda in muddo ahba ay biilaan qaramada midoobey.
Ugu yaraan Sadex Qof ayaa ku Dhaawacmay Israsaasayntaas kooban ee ka dhacdey garoonka Kismaayo kadib markii Ciidamada garoonka maamulka ay isku dayeen in ay Baadhaan Cabdi Naasir Seeraar oo kamid ah Musharixinta u tartamaya Xilka Madaxtininada Jubalandoo ka degaayay garoonka.
Cabdinaasir Seeraar iyo ilaaladisa ayaa ka biya diiday sida wararka sheegayaan in la baadho waxaana taasi ay sababtay in Rasaas ay isweydaarsadan Ciidamada garoonka ee taabacsan Axmed Madoobe iyo kuwii Ilaalinayay Cabdi Nasir Seeraar.
Waxayna ku dhamaatey in Cabdinaasir Seeraar oo aan la baarin iyo boorsooyinkiisiiba ay gudaha u galaan garoonka taas oo ah awood sheegasho loo awood sheegtay ciidankii Axmed madoobe.
“Looma dulqaadan doono Cadaadis iyo Cabudhinta lagu hayo Musharixiinta ay tahay in la xurmeeyo ee Taariikhda ku leh dalka hadana doonaya inay xil ka qabtaan’
Laga Bilaabo maanta Jubbaland Tii hore ma noqon doonto, Laakiin Axmed Madoobe Jubbaland God ayuu ku Riday, Axmedoow adigaa ka Jawaabi doona maanta waxaad Samaysay, Waxaa kuu Fiicnayd inaad adigu baadho Boorsadayda , Waxaan leeyahay Jubbaland waxaa ku Furmay Albaab Naar ah “ Ayuu yidhi Cabdi Naasir Seeraar.
“Kama Hadhi doono Edebdarada ka dhacday Garoonka Maanta, Ilaa aan ogaano cida ka dambaysay.” Waxaan leeyahay Ciidamada Qalabka Sida, Yaan la idin Khaldin, Rag ayaa Siyaasad isku haya, Axmed Madoobe wuxuu ku Fashilmay inuu Hanto Qalbiga Ciidanka, Shacabka iyo Odayaasha Jubbaland, Waxaan leeyahay Ciidanka waa inaad dhex dhexaad ka noqotaan Howsha Mushariixinta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay