20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maxaa u dambeeyay dagaal goos goosa oo ka dhacay gobolka Sool

Waxa duhurnimadii maanta dagaal goos goosa isaga horyimi ciidamada maamulka Khaatumo iyo Somaliland ee gobolka Sool. Dagaalka ayaa bilaabmey markii ciidan ka tirsan Khaatumo ay dhexda u galeen ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland.

Dad ku sugan deegaanka Gambadhe ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.



Ciidanka Khaatumo ee dhexda u galay kuwa maamulka Somaliland ayaa abaaro la wareegay wadada waxana kala xiran isku socodka. Labada midna ma helin gurmad.



Siyaasiyiinta gobolka Sool ayaa ku kula jira labada maamulba taas oo xaalada gobolka Sool ka dhigta mid aan la garan Karin halka dadku rabo. Dagaalada ka dhaca Sool ayaa inta badan waxa is eryada isla reer Sool laftooda ama hogaamiya.

Labada dhinac ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan khasaaraha dagaalkaas oo muddo la isku weeraray hubka noocyadiisa kale duwan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS