X

Maxaa u dambeeyay kiiska Xamdi Maxamed Faarax

Booliiska magaalada Muqdisho ayaa faahfaahiyay rag loo qabtey falkii wuxuushnimada ahaa ee loo gaystey Xamdi Maxamed Faarax oo kufsi dabadeed laga soo tuurey dabaq.


”Waxaan kiiskan u qabanay 11 qof oo kale shalay waxaanan ku dabajirnaa kuwo kale ayuu sheegay afhayeen u hadlay booliiska. ”Waxaa naga go’an inaan meel ku hubsano kiiskan foosha xun ee Somali oo dhan ka qaylisiiyay ayuu raaciyay.

”Waxa ilaa hadda la sugayaa in maxkamad la soo tago kadibna waajibkooda la mariyo kuwa falaan gaystey si ay ugu waano qaataan dhalinta kale ee is yiraa sidaa ugu ciyaara gabdhaha ayuu yiri Cali Calasow.


Sumcada booliiska ayaa aad hoos ugu dhacsan waxana kiiskan oo ay la baarayaan dembi baaristu yahay mid alagu baran doono.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.