X

Maxaa u dambeeyay weerar saaka ay qaadeen ciidamo Somalilaan taabacsan

Xaalada deegaanka Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ayaa degan kadib markii maamulka Butlaan oo deegaanka ku sugan ay sheegeen inay eryadeen ciidan saakadii hore ka soo duuley deegaanka Yubbe.


Dagaalkan ciidamada taabacsan maamulka Somalilaan soo qaadeen ayaa dabasocdey mid shalay si kedisa ku dhacay oo ka dhacay Laasqorey halkaas oo laba gudoomiye isku dhaceen.


”Waxa muuqata in la soo hubeeyay beesha Warsengeli lagana dhigayo sida beesha Dhulbahante loona qaybiyo boqolaal hogaamiye kooxeed si loogu adeegto ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.


Ilaa hadda labada maamul ayaan ka hadal khasaaraha dhabta ee soo kala garay aan ka ahayn in labaduba sheegtaan inay ka kale iska difaaceen.

Waxa goobta ku dhimanaya labada dhinacba waa beesha Warsengeli ayuu yiri Xuseen Warsame oo ka faalooda siyaasada maamulada Butlaan iyo Somalilaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.