X

Gobolka Banaadir iyo lacagta uu ka qaado xoolaha la aruuriyay

Waxa dhawaan magaalada laga aruuriyay xoolo lo u badan oo ay dayaceen dadkii lahaa isla markaana ku soo daayeen magaalada dhexdeeda halkaasna ay cunaan waxay heli karaan.


Haddaba la’daas la aruuriyay ayaa waxa la sheegay in dadkii lahaa qaarkood ka daba tageen si loogu soo daayo, waxase la sheegay in la dul saaray ganaax.


Inkastoo ganaaxa raali laga yahay maadaama qofku haysan waayay xoolihiisa manaafacaadka badan eese waxa laga qayliyay qiimaha ganaaxa oo lagu sheegay 10 doolar.

”Dadka qaarkii ma awoodaan ganaaxaas la dul saaray ee tobanka doolar ayuu yiri Cali Calasow. Waxa dhinaca kale laga qayliyay tayada goobta lagu xareeyay oo biyo mooyee ay aad u yartahay cawska Meesha yaala.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.