X

Maxaa u dambeeyay xasuuqa argagixisadu ka wado Muqdisho iyo agagaarkeeda

Maxaa u dambeeyay xasuuqa argagixisadu ka wado Muqdisho iyo agagaarkeeda. Bishii ina dhaaftey ee Ramadaan dilka argagixisadu u gaysatey muslimiinta Somalida ayaa kor u dhaafay ilaa 100 qof oo ay si toosa u toogteen iyo kuwo ay qarxiyeen.


Hadda waxaba ay gaareen her ay soo duubaan dadka ay xasuuqayaan kana sameeyaan filim. Waa dhiigmiiradki ugu horeeyay ee diinteena ku qaraabta kuna dhaqma falalka noocana ee xataa diimaha gaalada aan shaqo ku lahayn iskaba dhaf diinteena macaane.


Waxay goordhaweyd ku faaneen dilka oday da’ ah oo ka mid ahaa dakiisoo doortey golaha qabaailka ee barlamaanka ayagoo diley xilli uu gurigiisa ka soo baxay.



Waaxyada amniga ayaa ku guuldareystay inay xanibaan argagixisadan lugeynaysa ee dilka muslimiinta ay u tahay dheeldheel.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.