Maxaa u dambeeyay xasuuqa joogtada ah ee argagixisadu ka wado Muqdisho.
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Warshadii hore ee Nacnaca ee Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay Askar iyo Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya.
Qaraxa oo uu fuliyay nin soo xirtay Dharka Ciidamada Milateriga ayaa la sheegay in uu ka dhacay Gudaha Xerada, waxa la soo sheegayaa in ay ku dhinteen qarax tababarayaal ciidan.
Dadka la Xaqiijiyay inay ku dhinteen Weerarkani Ismiidaminta ahaa ayaa waxaa ka mid ah, Madaxii Tababarada ee Xerada Warshadii hore ee Nacnaca Korneel Badri Sheekh Aadan, Macalimiin Milateriga oo ay ka mid yihiin Korneel Bilaawe Cadde, 2-xidigle Cabdi Xakiin iyo G/dhexe Abuukar Dheere.
Argagixisada oo goob jog ka ah dadka ay dilayaan ayaghoo la shaqeeya isla ciidanka ayaa sheegtay tirade ay dileen iyo inta ay dhaawaceen weyna uga dhow yihiin dadka kale.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxa dowladda Federaalka iyo taliska Milatariga Soomaaliya oo ku aadan weerarka ismiidaaminta ah oo lagu qaaday Xerada Ciidanka lagu tababaro ee ku taal degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay