Pretoria–Maxkamad siyaasadeysan oo la rabey in la hor istaago madaxweynaha Suudaan oo ka qaybgalaya shirka midowga Afrika ay ku leedahay Koofur Afrika ayaa fashil ku socota iyadoo madaxweynuhu joogayo ilaa maalinta beri ah oo shirku soo xidhmayo. Sargaal sare oo ka tirsan madaarka caalamiga ah ee OR international AYAA DIIDEY inu fuliyo amarka maxkamada.
Dawlada ayaa iyadu hadda sheegtay in ay soo gudbin doonaan qoraal ku saabsan arintan iyagoo sheegtay in qoraalkaas ay keeni doonaan maalinta beri markay saacadu tahay 11:30 subaxnimo.
Lama oga xiliga uu baxayo madaxweynaha Suudaan ee u qorshaysan waxase la filayaa in uu wadahadalo la yeesho madaxda Afrika oo gebigood ka cadhaysan warka maxkamada ay wataan reer Galbeedku siiba Maraykanku.
Xaakimka warqada qorey ayaa isagu raba in la joojiyo madaxweynaha kadibna ay dawladu keensato waraaqaheeda..inkastoo taasi ayna dhacayn.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay