Maxaabiis kale oo laga keenay Liibiya ayaa laga soo dejiyay Muqdisho.
Maxaabiistaan ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa illaa 13 dhalinyaro ah oo doortay in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo, iyadoo tiro kale oo dhalinyaro ah iska diideen in dalkooda lagu soo celiyo.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dhalinyaradan waxa ay ku soo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Dhalinyaradan ayaa waxaa laga soo daayay xabsiyada Tajora iyo Sika ee dalka Liibya, inkastoo ay jiraan dhalinyaro kale oo fara badan, kuwaasi oo xabsiyada wali ku jira.
Dawladda Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa sidii dhalinyaradaasi xabsiyada ku xiran dalkooda Hooyo loogu soo celin lahaa, inta doonaysa in dalka dib loogu soo celiyo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay