Sadexdan gabdhood ayaa ka hawli geli jirey sadex telefishan oo iska xaafadeysan. Waxayna ka shaqayn jireen muuqaal baahiyaha horjoogahas Butlaan Siciid, kan Mustafe Cagjar ee Soomaali galbeed iyo mid amar ku eg oo la yiraa Muqdisho Cable.
Gabdhahan ayaa lagu kala magacaabaa Sahro Cabdi Maxamed, Filsan C/raxmaan Ducaysane iyo Amaal Gaaje. Haddaba aan ku horeyno Amaal Gaaje waxay ka shaqayn jirtey telefishanka horjooge Siciid Deni waxase lagu dhegay mar ay LIKE iyo share u saartey bog uu lahaa Amxed Karaash.
”Waa la isoo wacay waxana la ii sheegay in aan dembi galay maadama aad LIKE iyo Share saartey boga Axmed Karaash oo aad isku jufo tihiin haddana laguu dhiibi doono boos ka hooseeya kan aad hadda joogto ayay tiri Amaal oo hadda ku sugan Muqdisho.
Filsan C/raxmaan Ducaysane
Filsan waxay ka hawl geli jirtey telefishan Xamar ku eg oo la yiraa Muqdishio Cable waxana lagu qasbey xilli ay xanuusanayn inay shaqayso taas oo ka baxsan xaquuqda qofku leeyahay.
Maadaama telefishanka ayna cidi xukumin oo feer iyo laad lagu wado waxa inta badan awood farabadan leh horjoogaha markaasi leh wuxuuna ku tagri falaa awooda uu sheeganayo.
Filsan ayaa sheegtay tin tacadigu iyada ku koobneyn oo ay goobjoog u ahayd gabar kale oo ku dhexsuuqday xarunta telefishankan. Fal dembiyeedkan noocana yaa haddii dawlada loo bandhigo telefshankaas ku xukumi lahaa ganaax aanu ka soo kaban ayuu yiri Cali Calasow.
Gabadha sadexaad waa Sahro Cabdi Maxamed
Sahra waxay ka hawl geli jirtey telefishanka Mustafe Cagjar, waxase lagu eedeeyay inay lacag ka samaysay barnaamij ay ciidii u qabatey kooxda Liyuu Booliis.
”Waxa la ii soo dhejiyay warqad shaqo ceyrin ah ayay tiri Sahra waxana loo sheegay waardiyaha in aan la i soo deyn. Maamulka telefishanka oo u badan xaafada Mustafe Cagjar ayaa markiiba keensaday gabadh kale oo ay isku jufo yihiin.
Ma jirin cid i dhegaysatay ayay tiri Sahra waxayna ahayd arimaha noocaana in Mustafe Cagjar oo ku yimi isbedelka Cabi Axmed uu la dagaalamo.
Waxaan sadexdan gabdhood ka fahmi karnaa tacadiga ay keento dawlad la’aantu taas oo diideysa xirfada weriyaha laakiin xoojinaysa jufaysiga. Tan ugu weyn ayaa ah ma jirto meel aad u cararto oo soo dhicisa xaquuqdaada.
Warbixintii Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay