Maanta oo kale sanadii 1995 waxay ahayd maalin taariikh madow dunida Muslimka kadib markii dad ka badan 8000 oo qof lagu xasuuqey magaalooyinka Bosniya oo ay ugu badneyd magaalada Serbaniska oo ciidamadii Holland u ogolaadeen in argagixisadii Serbiyiintu xasuuqaan muslimiinta miciin bidey askartii Holland ee joogtey magaalada.
Waxa manta oo kale dib loo xasuustaa taariikhdaa madow iyo sida argagixisadii Serbiya sadex maalin ku xasuuqeen dad intaas leeg oo aan hubeysneyn kaliya diintooda oo ahayd Muslim.
Inkastoo aduunku qirsan yahay maalintan waxa diidan saaxiibka ugu weyn ee Serbiya leedahay ee Ruushka oo isagu diidey xasuuqan.
Maalintan oo kale ayaa ciidankii Serbiya uu weerar ku soo qaadey magaalada Serbaniska waxayse ahayd magaalo ka caagan dagaalka waxase ooda baneeyay ciidankii ka socday Holland ee huwanaa shaadhka qaramada midoobey oo hal mar u fasaxey in muslimiintaas la xasuuqo.
July 14 2014 ayay ahayd markii dawlada Holland qiratey in ay qayb u lahayd xasuuqii argagixisada Serbiya u gaysatay muslimiinta sidaasna waalidiintii dadkooda la diley ku heleen xuquuq lacageed.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
![09efd695d07c40fb8c921b9456daf5da_18[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/07/09efd695d07c40fb8c921b9456daf5da_181-300x169.jpg)
![c578304da83a4c42883527d30812730e_18[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/07/c578304da83a4c42883527d30812730e_181.jpg)
![e88f320234ec4bd096487768ca647a0a_19[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/07/e88f320234ec4bd096487768ca647a0a_191.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay