X

Maxaan ka ognahay 5 qof oo lagu diley duleedka Guriceel

Wararka aan ka helayno deegaan u dhexeeya Guriceel iyo Balanbale ayaa waxa lagu diley 5 qof oo sida cad loo malaynayo inay salka ku hayso aano qabiil qaasatan ku xiriirsan tahay saraakiishii ciidanka qaranka ee la diley.


Inkastoo si dhaba aan loo ogeyn waxa dadkan oo wada raga loo diley ayaa haddana la sheegay in dadkii falkan gaystey ay meesha ka baxsadeen isla markiiba.

Ragga la dilay ayaa magacyadooda lagu sheegay: Gaarane Cawil Samatar, Cabdi Xersi Carab Kaahiye, Cabdi Yare Maxamed Aw-faarax,  Caddaawe Xersi Lugey, Cali Dheere Xersi Cawaale.


Saraakiishii dhawaanta lagu diley aaga Balanballe ayaan welli helin cadaalada ay u baahnaayeen taas oo loo malaynayo inay keentay dilkan aan loo aabo yeelin.

Siyaasiyiinta Galmudug aya cambaareeyay falkan laga argagaxay waxayna ku baaqeen in la soo qabto dadkii ka dambeeyay falkan foosha xun.

C/llaahi Warhayte

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.