X

Waa inaan helnaa dal ka madax banaan Xarunta Xalane: Xaliim Yarey

Guddoomiyaha Guddiga  Madaxa Bannaan ee doorashoyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ( Xaliimo Yareey) oo xaq u lahayd inay maamusho doorshooyin kasta oo dalka ka dhacaya ayaa laga kor booday, waxana ilaa hadda lagu murmayaa guddiga doorashada oo qaarkood yiraaheen waxa ku jira sirdoonka.


Taas oo ka dhigan in sirdoonka dalka dadka ku jira la ogyahay oo siyaasi ogaan karo qofka dalka sirdoon u ah. Xaliim Yarey ayaa sheegtay in dalku hog ku jiro oo jufo kasta samaysanayso dastuur u gaara oo lidi ku ah dastuur dhoodhoobka gaalada ee dalka horyaala.

Tani waxay dalka ka dhigtey in jufo kasta hoos tagto xarunta Xalane. Inkastoo madaxweyne Farmaajo geed dheer saaray qolooyin jaajuus ahaa iyo kuwo kale oo ka daba wareegi jirey gaalada xarunta Xalane haddana waxy soo xoogeysteen baryahan dambe.


”Dalkaan wuxu u baahan yahay dawlad aan Xalane laga xukumin. Hadalka Xaliimo Yarey ayaa u muuqda inuu ku jeedo kooxda sheegata madasha musharixiinta oo laaley doorashadii tooska ahayd qaateyn mida musuqa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.