Wararka aan ka helayno gobolka Sanaag gaar ahaan deegaan u dhow degmada xeebta ah ee Laasqoray ayaa sheegaya in dagaal goos goos ah uu halkaas ka dhacay.
Dagaalkan ayaa inta la ogyahay u dhexeeya laba maleeshiyo oo wada dega deegaanka Shidan, auagoo isku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka. Waxana jira khasaare ka dhashay labada dhinacba.
Dagaalkan ayaa salka ku haya dhul iyo siyaasado hoose oo ka jira deegaanka. Waxayna iska gubeen gawaadhi. Dhaawacyada ayaa loola cararay caasimada Sanaag ee Ceerigaabo oo labadan jufo wada degaan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS