X

Maxaan ka ognahay gantaalada ay Xamaas haysato

Xamaas ayaa markii ugu horeysay gantaalo ku garaacday magaalooyinka Yuhuuda ee u dhow xerada qaxootiga ama jeelka ugu weyn aduunka ee Qaasa ee u dhexeeya Masar iyo dhulka reer Falastiin ee Yuhuudu boobtey.


Gantaaladaas oo aan tayo wanaagsan lahayn meel fog ka gaari jirin xataa laguma weerari karin taangiyada Yuhuuda dagaalka 2016 ee Yuhuudu dishey Falastiin farabadan.

Haddaba su’aashu waxa weeyi sidee Xamaas ku heshay awooda ay ku dhisatey gantaalo hadda khatar geliyay caasimada Yuhuuda iyo weliba Quds.


Jawaabtu ma dheera waxaanse ognahay in Qaasa ay tahay jeel weyn oo Yuhuudu eegto waxa soo galaya iyo waxa ka baxaya xataa ayna u ogoleyn in sibidhka ay keensadaan.

”Cumaari Cabdalla wuxuu qabaa in dhalinyaro reer Falastiin ay wax ka soo barteen Iiraan gaar ahaan qaybta dhismaha gantaalada sidaana ay ku helaan awooda koowaad kadibna ay ku sameeyeen casriyayn.


Maanta waxa Xamaas haysataa ku dhawaad 10 kun oo gantaaladaasa sida ay qabaan khuburadu, waxana kolba sii kordhaya toogashadooda, tana waxay walaac ku haysaa Yuhuuda oo Maraykanku aanu ka hagran hubkiisa ugu dambeeya.

”Waxase foolxuma inaan wadamada hadda qaylinaya sida Turkiga iyo kuwa kale ayna marnaba reer Falastiin ka caawin sidii ay ku heli lahayd gantaalada la hago ee sida tooska wax u dilaya.


”Shaki kuma jiro in reer Falastin heli doonaan awoodaas dhawaan. Xamaas ayaa dhawaan soo wada madaafiic aanu celin karin gantaalaha Yuhuuda oo ridadoodu dheertahay.

RashiId Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.