X

Xamaas oo si toosa u garaacday Talabiib markii ugu horeysay iyo dhismayaal gubanaya

Gantaalaha Xamaas ayaa ka dul qiiqay caasimada Yuhuuda ee Talabiib oo dadka socdaaba ay yaryihiin. Xamaas ayaa gantaalo is daba jooga ku garaacday iyo Yuhuuda oo qiratey in si toosa ay ugu dhaceen guryaha.


Xamaas ayaa sheegtay mar haddii Yuhuudu bilowday inay layso dadka shacabka ah ay iyaguna maanta laga bilaabo si toosa uga jawaabi doonaan hurdana u diidi doonaan Yuhuuda Talabiib.

Carabta ayaa haba yaraatee wax caawimo u gaysan Falastiinta Yuhuudu hortooda ku qalayso ayadoo taageero xoogleh ka helaysa gaalka weyn ee Joo Baydan oo durbaba hub kale la soo gaaray Yuhuuda.


Telefishanka Yuhuuda ee kanal 12 ayaa iyagu soo gudbiyay dhisme ku yaala Talabiib oo gubanaya. Yuhuuda ayaa cabsidii ugu weynayd wajahaysa kuna dhici karin inay gantaalada Maraykanku siiyay la dhacdo shacabka jeelka ku jira ee Qaasa.

Waxayse muujinaysaa in Xamaas ay kordhisay awooda gantaaladeedu gaarayaan oo hadda ay ka harsan tahay oo keliya inay hagaajiyaan shiishka.

Rashii Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.