08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maxaan ka ognahay nin Somali ah oo midi ku dilay haweenay lixdan jira caasimada Ingiriiska

Waxa xalay fiidkii magaalada London ee cariga Ingiriiska midi la dhex qaaday dad wadada ka gudbiyay nin hadda la ogaaday in uu yahay Somali markii hore loola cararay Norway laakiin mardambe loola soo guurey London.

Nin ayaa xalay fiidkii haweenay lixdan Jira oo u dhalatay Maraykanka ku diley bartalama London halka dadka oo iyagunas meesha marayay uu dhaawac u gaystey.

Booliiska oo goobta aan kla fogeyn ayaa markiiba soo gaaray waxa nin lagu dhejiyay qalabka korontada waxana lagu qabtey halkii. Ninkan ayay dadkii ka yaabeen iyadoo haweenayda uu diley ay u sheegtay dadka intii ayna dhiman in uu welli gobta joogo oo ay tahay in ay ka fogaadaan.

Ninkan ayaa booliisku hadda cadeeyay in uu ahaa nin waalan oo ay iyagu dadka ku sii dhex siidaayeen horena ay u ogaayeen. Dadka waalan ayaa inta badan lasiiyaa daawo seexisa waxase la iswaydiinayaa cisda magaalada ku soo daysay.

Argagixisada falalka noocana gayste ayaa iyaguna waxba ka dhicin ninkan oo kale. Daraad ayay ahayd markii ninkale oo Somali ah oo isna waalnaa uu midi la dhex qaaday dad tareen ka soo baxay.

Ninkaasi dambe ayaa lagu xukumey xabsi daain. Booliiska Norwey aya cadeeyay in ninkani xalay haweenayda diley uu ahaa 19 jir aan caqligiisu ku filneyn.

Biooliiska London ayaa sheegay in ay baadhayaan laba guri oo ninkani deganaa iyadoo laga baadhayo in uu wax shaqo ah ku lahaa argagixisada caalamiga oo iyagu aan ninkani oo kale ka duwanayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS