Kadib weerarkii lagu khaarajin gaaray badhasaabka Boorama ee Ramaax ayaa waxa Boorama soo gaaray ciidan farabadan oo ka tirsan Somaliland oo uu u qaylodirtey Ramaax. Ciidankaas badhkii ayaa ku baxay ciidamo Awdalstate ka tirsan oo fadhiyay aaga Gorayacawl si aad ugu aargudaan dhimashadii shalay gaartey Ramaax ilaaladiisa.
Waxase ka warhelay ciidankan ka tirsan Somaliland ciidan iyagu deganaa aaga Gorayacawl oo ka tirsan Awdalstate waxana goobtaas ka dhacay dagaal waxana halkaa looga dilay ciidankii beesha dhexe ilaa sadex askari iyo dhaawac kale oo loo qaaday Hargeysa.
Awdalstate iyo dadka deegaanka waxay noo sheegeen in weerarkaas ay Awdalstate uga dhaawacmeen hal askari halka askari kale uu isagu u geeriyooday dhaawaciisii.
Ciidankii Somaliland ayaa iyagu dib uga gurtey goobta kadib iska caabin xoogan oo ayna filayn. Awdalstate waxay noo sheegeen in ayna jirin xubno ka tirsan ciidankooda oo la qabtey balse ay yihiin dadka deegaanka oo iyagu lugeynayay.
Isku soo wada duubaa weerarkii lagu qaaday Ramaax oo ilaa hadda ayna cidna sheegan iyo kan ka dhacay Gorayacawl waxay muujinayaan in halganku galay meel xasaasiya oo sheekadu aanay ahayn haye taliye. Weeradan ayaa Somaliya inteeda kale u tusaysa in Woqooyiga kuwa sheegta Somaliland uu magacaasi ku kooban yahay siyaasiyiin hal beela.
Kala soco wararkaasi iyo kuwo kale ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay