X

Maxaan ka ogyahay xaalada dhaawacyadii loo qaaday Qadar

Waxay ahayd bishii hore aakhirkeediii markii dhiigmiiratada wahaabiyada argagixisada Shabaab ay gumaadey dadkeena. Intii ay dishey dhaawacii Ka soo hadhay ayaa loola cararay dalkaasi yar ee Qadar. Haddaba waa sidee xaalada dadkaasi.


Safiirka Somaliya u jooga dalkaasi Qadar ayaa sheegay C/risaaq Faarax  Cali oo Ka waramaayay xaalada dadkeena halkaa jiifa ayaa sheegay in 23 qof la keenay Qadar iyo 23 ehelada ah oo caawiya.

Sideed ka mida dhaawacyadaaas way ka soo baxeen isbitaalka, waxayna hadda ku sugan yihiin huteel oo waxa daawayntoodu tahay qaab bukaan socod ah maadaama firidho laga saarayo ayuu yiri danjire C/risaaq.


Sadex ayaa noogu darnaa oo waayay qaybo ka mida jirkooda laakiin xaaladooda kale ee caafimaad ay fiican tahay. Ilaa haddana ma jirto bukaan halis ku jira waana Ilaah mahadii ayuu raaciyay safiirku.


Waxa jira boqolaal dadkeena ah oo la jiifa waxyeelo Ka soo gaartey xaauuqyada ay gaysteen dhiigmiiratada wahaabiyada khawaarijta shabaab.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.