Raiisal wasaaraha ku fashilmay maamulka doorashada ayaa habeen badhkii caawa warqad uu soo saaray ku sheegay inuu shaqadii ka joojiyay madaxii sirdoonka Fahad Yaasiin oo siyaasiinta beeshiisu muddo ka cabanaysay.
”Waa aargoosi qabiil ee maaha wax kale ayuu yiri Cali Calasow. Lama garan karo in Fahad Yaasiin u hogaansami karo wuxuuse soo saaray qoraal jawaaba oo uu ku sheegay in nidaamka dawliga la maro.
Ina Xuseen Rooble ayaa maalmihii u dambeeyay ay talada siinayeen siyaasiyiinta beeshiisa ee cuqdada qaba oo ka sugaya inuu keeno doorasho iyaga dan u ah. ilaa haddase waxba uma suurtagelin.
Ayadoo waqti dambe ay tahay ayaan la ogeyn waxa ka dhalan kara go’aanka aargoosiga jufeed ee ina Xuseen Rooble ku kacay. Su’aasha taagan ayaa ah ina Xuseen Rooble xaq ma u leeyahay inuu eryo madaxa sirdoonka? mase maray wadadii sharciga ah?
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay