X

Maxamed Xuseen Rooble oo gacantiisa isku riday: WARBIXIN xasaasiya

Waxay ahayd usbuucii hore markii taliyaha ciidanka badda uu si cad u sheegay in Maxamed Xuseen Rooble oo dawladnimada ka aradan uu hanti ka samaysanayo dhulkii qaranka siiba ciidanku lahaa.

Wasiirkiisa gaashandhiga ee uu bedelay ayaa dalbaday in baadhitaan degdega lagu sameeyo waxa ka jira arintaas maadaama ay ciidan shaqo ku leedahay, waxase arintaa ka carooday Maxamed Xuseen Rooble oo u hanjabay wasiirka, taasina waxay kaliftey in wasiirka difaaca oo cabsi qaba uu warqad labaad ka soo daba tuuro uu booskiisa ku ilaashanaayo.


Rooble eedaynta kama jawaabin wuxuuse dirsaday wasiir ku xigeenkiisa warfaafinta Al-cadaala oo idaacada u xidhey sheegayna in war xun laga faafinaayo Rooble. EEDAYNTAN ayaa aad u cusleyd.

Kaaga daran intii uu ka hadli lahaa oo oran lahaa taliyaha waxaan uga fadhiyaa inuu eedaas culus cadaynteeda keeno oo maxkamad la fuulo si magaciisa u saafi gareeyo, wuxuu markiiba bedelay isla wasiirkii gaashaandhiga.



Tani waxay dhalisay tuhuna inuu si toosa u qarinayo eeda la xiriirta inuu boobay hantida qaranka. ”Sharciyan haddii lagu eedeeyo lama taataabto cida kiiska faraha kula jirta haddii kale waa kugu cadaanaya dembiga ayuu qabaa Xuseen Warsame.

Marka waxaa kuu cadaanaysa inay wax ka jiraan eeda uu jeediyay taliyaha ciidanka badda waayo marnaba Maxamed Xuseen Rooble dood kama keenin aan ka ahayn inuu bedelo wasiirka kiiska waday.


Madaxweynaha oo booska u fadhiya inuu ilaaliyo hantida qaranka isagana xitaa kuwa neceb ogyihiin inaan hanti looga shikiyayn wuxuu ku qasban yahay inuu shaqada ka fadhiisiyo inta baadhitaanku dhinac u dhacayo.

Maxamed Xuseen Rooble isagaa gacantiisa isku riday cidna yaanu eersan ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.