X

Maxay ahayd mucjisada ugu weyn ee RABI siiyay Nabi Muuse

RABi oo aad ku xidhnaato oo aad ku aaminto amuurahaaga marka indhaha bani aadamka ay xagooda ka tahay quus ama halkii ugu dambeysay waa guusha ugu saraysa ee qofku gaadho.


Markii ciidankii Fircoon oo cayraysanaya NABI Muuse iyo dadkiisii ay ku soo aadeen badda, waxa markiiba niyadii ka jabtey dadkiisii reer bini Israaiil oo yiri bas waaye waa nala qabtey laakiin jawaabta uu siiyay NABI Muuse waxay ahayd ”xaqiiqan waxa ila jira RABIGEY Isaga ayaanan ka sugaa i tilmaamo.


Tani waxay muujinayaa talada uu nabi Muuse u dhiibtey RABIGIISA isagoo og xilli quus la joogo inay fuleyso. Sidii ayayna u dhacday waxana RABI nebi Muuse siiyay mucjisadii ugu weynayd adduunka ee badda, halkaas oo RABI maray inuu ushiisa ku dhifto biyaha.


Nebi Muuse cs ma eegin biyaha badda ee RABI wadada uga furey waxase indhihiisu fiirinayaa samawaadka iyo Allahiisa u furey wadadan xilli indhaha bani aadamka waxkasta jiq ahaayeen.



Waxaan ka baran karnaa maalinta cashuura oo ku beegan Isniinta awooda RABI ku tusay adoomihiisa inuu markasta uga dhow yahay xididada jidhka ee dhiiga qaada, haddii aad aaminto RABIGAAGANA aad heshay furihii adduunkan iyo nolosha saxda ah ee soo socotaba

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.