X

Shiinaha oo cambaareeyay dhuumashada afhayeenka Maraykanku ku tagtey Taywaan

Haweenayda afhayeenka u ah golaha shacabka Maraykanka ayaa si qarsoodiya uga degtay gobolka Taywaan ee Shiinaha ka tirsan. Waxa talaabadaas xadgudub ku tilmaamay Shiinaha aadna u cambaareeyay. Ilaa hadda lama oga sida diyaarad sidey u gashay hawada gobolka Taywaan.


Haddaba Shiinaha ayaa dhoolatus cabsi geliyay Maraykanka ka soo sameeyay marinka Taywaan oo ah badda u dhaxaysa jasiirada iyo gobolada kale ee Shiinaha.

” Waxa naga balana inaan ilaalino xadka dalka waxana ka degi kara keliya Cid aan raali ka nahay ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada difaaca. Waxase hadda muuqata in wax qaldameen.


” Maraykanku wuxuu qaadi karo maleh ayuu yiri afhayeen u hadlay milatariga Shiinaha waayo awooda ciidankayaga lama tartami karo.

Afhayeenka golaha shacabka Maraykanka waa haweenayda Biloosi ayaa iyadu baqday kana reebtay jadwalkeeda inay ku darto Taywaan.



Ruushka ayaa sheegay inuu garab taagan yahay Shiinaha siina doonaan waxkasta oo ay uga baahdaan. Shiinaha ayayna muddo gaaban ku qaadanay inuu ku qabsado jasiiradan loogu soo gabanayo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.