Waxa xalay magaalada Garoowe dadka hurdada u diidey rasaas badan oo dhacaysa oo dadka qaar u maleeyeen in horjooge Siciid Deni la weeraray oo baxsad ku dhow yahay laakiinse maahayn sidaas waxase uu ahaa taliyihiisii booliiska.
Waxa weerar xoogan lagu qaaday guriga uu degan yahay taliyaha booliiska ee degmada Garoowe, waxana la is weydaarsaday rasaas faraban oo dadka hurdada u diidey.
Weerarka lagu qaaday guriga taliyaha ayaa dabada la galay ehelada nin uu shalay u soo xirey dil uu u gaystey askari ka tirsanaa askarta maamulka Siciid Deni. ”Waxaan ku daba jirnaa inaan soo qabano cida rasaasta soo riday ayaa lagu yiri qoraal.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS