November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Maxay daaran tahay booqashada deg dega ah ee madaxweyne Farmaajo ku tagey Itoobiya: SAWIRO

Waxa maanta duhurnimadii ka degay caasimada Itoobiya madaxweynaha Somaliya Farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi. RW Cabi Axmed ayaa rooga cas u dhigey waxana loo dhaqaaqay xagaas iyo madaxtooyada Itoobiya.

Waxa casuumad degdeg u fidiyay madaxweynaha Raiisa wasaaraha Itoobiya kadib markii ay soo kordheen siyaasad cusub oo ku wajahan xiriirka gobolka.



Wararka qaar ayaa sheegaya in Kiiniya ka codsatey Itoobiya inay dhexdhexaadiso iyaga iyo Somaliya arinta ku saabsan badda taas oo madaxweyne Farmaajo diidi doono.

Waxa kale oo kulankan lagu lafoguri doonaa sidii dawlada Somaliya u taageeri lashayd dekedda iyo madaarka dagaal ee Imaaraadku ka dhisayo Berbera, taas oo dawlada Somaliya aan hore loogala tashan.

Arinta ugu weyn ee Itoobiya danaynayso ayaa ah sidii ay qayb uga heli lahayd dekedaha waaweyn ee dalka si ay u hesho meelo kala duwan oo ganacsigeedu u kordho.



”Siyaasadaha qaar waa kuwo Somaliya u qaasa sida arimaha dekedda Berbera iyo sidii loogu qasbi lahaa maamulkaasi inuu dawlada sdhexe kala shaqeeyo la dagaalanka argagixisada ayuu yiri Maxamed Dugsiiye taasna ayuu yiri ma quseyso Itoobiya.

Waxase jira siyaasado hoose oo Itoobiya iyo Somaliya ay kaalin weyn ka qaadan karaa siiba dhinaca ganacsiga waana ta maanta dooda ugu weyn ku salaysan tahay.



Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS