X

Maxay daaran tahay booqashada madaxweyne Farmaajo ku tagey Jabuuti: SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa booqasho ku tagey dalkaasi aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxana aad u soo dhaweeyay madaxye Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu casuumad ka helay dhigiisa Ismaaciil Cumar. Hadaba waxa dadku aad isku weydiinayaan maxaa soo kordhey ee sababay in telfoon lagu wada dhamaysan waayo.


Waxa jira arimo dhowra oo u baahan in meel la wada dhigo sida arimaha Carabta oo Somaliya ku haya cadaadis dheeraada ayagoo ku xadgudba qaranimada dalka.

Inkastoo Wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadku hadda xiriirkoodu sii xumaanayo waxa jira warar sheegaya in Sucuudigu rabo inuu soo celiyo xiriirka uu la leeyahay Somaliya.


Ma jiraan warar cusub oo ka soo kordhey Jabuuti iyo Eriteriya inkastoo siyaasada Itoobiya ay u muuqato mid aan deganayn xilli ay soo socdaan doorashooyin.

”Ani waxay ila tahay in yoolku yahay sidii arimo isku dhafan meel looga soo wada jeesan lahaa waana ta socdaalkani ku qotomo ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho jooga.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.