X

Butlaan oo markale dib u dhigtey kiiska Caasha Ilyaas

Maanta ayay ahayd in maxkamada Butlaan dhegeysato kiiska foosha xun ee Caasha Ilyaas oo ragii gaystey qaarkood qirteen kufsi halka kuwo kalana diideen ayaa markale dib loo dhigey.


ā€¯Fashilka maxkamadan ayaa muujinaya in kiiskan ay rabaan inuu cagajiitamo. Waxay dhinaca kale muujinaysaa in tayada maxkamadu aad u liidato sida la daawadey.

Waxay markale sheegeen in la dhegeysan doono Khamiista soo socota. Caasha Ilyaas ayaa sadex nin ku kufsadeen kadibna dileen jirkeedana jarjareen. Nin kamida ayaa sheegay inuu isagu kufsaday keliya.


Qoyskeeda ayaa hanjabad awgeed uga cararay Gaalkacayo una guurey ismaamulka Somalida Itoobiya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.