X

Maxay dadkii Masaarida ahaa ee hore u adeegsan jireen daanyeerka ?

Dalka Masar ayaa ah dal leh xaddaarado aad u tiro badan oo qadiimi ah waxaana maalin walba la helaa dhismayaal iyo goobo taariikhi ah oo dadkii hore ee dalkaasi ku noolaan jiray ay la tageen.



Waxa dhawaan laga helay dhulka taariikhiga ah Ahraamata Dalkaasi Masar dhismayaal taariikhi ah iyo sidoo kale xabaalo ku yaalla goobtaasi, waxa ugu layaab badnaa oo goobtaasi taariikhiga ah laga dheegtay sida uu sheegay Wasiirka wasaarada Hiddaha iyo dhaqanka ee Dalkaasi in halkaasi laga helay Xabaalo magaciisa la yidhaahdo Al-sayida Xatbat.

Waxaanu xabaalahaasi cadeeyeen xaddaarad qadiimi ah oo dadku dhulkaasi ku noolaan jiray ay lahaayeen, iyo sidoo kale qaabkii ay u noolaan jireen.

Waxyaabaha ugu cadcad uguna layaabka badnaa ee Xabaalahaasi iyo sidoo kale dhismayaasha halkaasi laga helay oo salaamo ay dadkaasi hore ugu tala galeen Daanyeerka.

 Waxaanay saraakiisha Wasaaradda Hiddaha iyo dhaqanka Dalkaasi sheegeen inay dadkaasi hore Daanyeerka u adeegsan jireen arrimo sida inuu Daanyeerku usoo ururiyo Khudaarta kala duwan iyo waliba garraacista Muusikada.

Waana sababta dhismayaal badan oo dadkaasi ay ka tageen ay uga muuqdaan Sawirada Daanyeerku.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.