X

Ma jirtaa cid u oynaysa askarta Maraykanka ee Taram la baxayo: FALAQAYN

Waxa aad loo soo dhaweeyay ka bixitaanka askarta Maraykanka Koofurta Somaliya. Askartan oo gaaraya ilaa 700 waxa fadhigoodu yahay xeradii ciidanka cirka ee qaranka ee Balidoogle. Waxay askartani tababareen ciidan gaara oo iyaga hoos yimaada oo la shaqeeya, waxayna fuliyaan weerarada qorsheysan ee ka dhanka ah argagixisada. Taas oo ka dhigan inay ciidan ka dhex samaysteen dal xora dhexdiisa.


Hawlgalada ay fuliyaan

Ayadoo ay jirto sirdoon xumo waxa inta badan ku dhinta hawlgalada ay sameeyaan dad shacaba, ayagoo dhinaca kale Somaliya u isticmaala ku tijaabinta diyaaradaha aan is wadin. ”Ma galaan hawlgalada badankooda mid mid mooyee taas oo ka dhigan in dhalinyaradii ay tababareen dib u dilaan ayuu yiri Cali Calasow.


Maraykanka ayaa ka mida dalalka aan Somaliya u ogoleyn in cagaheeda isku taagto, ayagoo ka baqaya in dalku awood yeesho si degdega, gacantoodana ka baxo. Waxa arintaas qirtey xildhibaan Maraykana oo sheegay in haddii ciidanku baxo ay waayayaan sirdoonkii ay heli jireen taasna keenayso in Shiinuhu yimaad gobolka.

Siyaasada dalka

Maraykanku wuxuu qasayaa nidaamka doorasho ee dalka asagoo raba in doorashada soo socda lagu wareejo xarunta Xalane si loo doorto musharax iyaga u dabada nakhleeya oo ka mida kooxda isku magacowdey madasha musharxiinta ayuu raaciyay Cali Calasow.

Dhismaha ciidan qaran iyo gabagabada


Isku soo duubaa askarta Taram la baxayo waxa xataa soo dhaweeyay gooni gooste Muuse Biixi oo aan jeclayn ciidan qaran oo dhisma, waxase xaqiiqdu tahay in Somaliya waxba uga baahneyn oo ay rabto inay aragto dabada askartaas. Midna ogow askartan ayaa la geynayaa Jabuuti iyo Kiiniya siiba saldhig ku yaal xad beeneedka, marka bixid maba ah.

”Maraykanku wuxuu mija-xaabiyay dib u dhiska ciidanka qaranka, waxana Somaliya u jooga mida iyaga ah oo sanad walba ka hor akhriya qaramada midoobey in dalku khatar ku jiro ayuu yiri Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.