Waxa la filayay in uu guulaysto cunsuriga Donald Trump oo hadda bedelaya Barack Obama oo dalka kaga tagaya taageero xoogleh oo uu kasbadey iyo dhaqaale adag.
Trump oo kaligii socdey ayaa taageero weyn ka helay cadaanka wadankaasi iyo dadyow badan oo xataa ay ku jiraan Latin Amerikaanka iyo dadka madow oo uu ku yiri maxaa noloshiina iska bedelay maxaadse luminaysaan hadaad I doorataan.
Waxa dhinaca kale Yuhuudu isku geeyeen xoog wixii ay lahaayeen si Trump guushu ku raacdo. Waxase Trump guushiisa keenay cadaanka oo uu ku yiri dalkiinii waa la qabsaday waana halka guusha ugu badan uu ka helay kuna diley Hillary.
Dhinaca dhaqaalaha dalkaasi wuxuu balan qaaday in uu gobolo cadaanku degan yahay uu dib u soo celin doono sidey ahaayeen, taas oo aan la garanayn sida uu u samayn doono.
Hadaba muxuu ka bedeli karaa siyaasada arimaha dibedda oo uu cadaanka ku soo jiitey inuu argagixisada tirtiri doono, muslimiintana ka madnuuci doono Maraykanka.
Waa ta Musimiintee ma awoodi karo in uu Muslimiinta ka madnuuco Maraykanka inkastoo uu haysto aqlabiyada labada aqalba waayo Maraykanku sharci ayuu leeyahay waana inuu u hogaansamo sharciga laakiin wuxuu duufsadey cadaan badan oo u badan kooxaha diimaha xagjirka ah wata.
Siyaasada xulafada reer Yurub ayaa la sugayaa in uu ka dhabeeyo iyo inkale. Wadamada Sucuudiga oo ku tiirsan Maraykanka si ay u xasuuqaan Yaman ayaan la ogeyn in uu ka dhabeyn doono oo u ka jari doono taageerada.
Dhinaca Iiraan ayaan la filayn in uu weeraro markuu yimaado aqalka cad marka loo dhiibo kursiga iyo siyaasada jirta laakiin wuxuu cod kaga helay Yuhuuda.
Mala saaxiibi doono Woqooyi Kuuriya mase joojin taageerada uu siiyo Koofurta Kuuriya.
Arinta Siiriya ayaa la filayaa in uu la safto Ruushka oo cirka u laado xulafada Sucuudiga ee taageersan argagixisada. Waxa muuqan doona inuu niyadjab ku ridi doono dadkii uu cunsuriyada ku kiciyay.
Waxase la sugayaa halka uu wax ka bilaabo isagoo sheegay in uu joojin doono sharciyo uu dhigey Barack Obama dhinaca gudaha DALKAASI waxaadse is waydiin kartaa malaga yeeli doonaa.
Waana macquul in uu weeraro argagixisada lana yimaado sharciyo cusub oo uu ku adkeeyo dadka xagirka ah in ay dalka soo galaan kuwa ku nool Maraykankana kala nopqon doono sharciga inkastoo sharciyo kuwa uu keeni doono hadaba ay ka jiraan dalkiisa.
Waase hubaal in uu raaci doono siyaasada Maraykanka ee QORAN ee aanu la iman doonin wax ka duwan marka uu eego kartida ciidanka iyo awooda hadda ay leeyihiin.
Ugu dambeyn Somalida Maraykanka ku nool ma jirto wax ay ka baqaan waxayna la mid yihiin dadka kale ee ku nool Maraykanka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay