08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maxay ka dhigan tahay guusha madaxa Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagreen)

Maxay ka dhigan tahay guusha madaxa Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagreen). Waxa muddo laba bilood ay caasimada ku meelgaarka ee Koofur Galbeed ku jirtey qas siyaasadeed oo ka soo bilowdey Kismaayo marki Shariif Xaan ku biirey dawlad diidmada Axmed Madoobe iyo Cabdiwelli Gaas.



Intaas wixii ka dambeeyay waxa go’ay wada shaqaynta dawlada dhexe iyo maamulka Koofur Galbeed oo dawlada la’aanteed dhaqaajin karin talaabo. Ciidan beeleedka ka jira gobolka ayaa inta badan waxa bixiya mishaharka dawlada dhexe haba yaraadee, kaligoodna lama dagaalami karaan argagixisada uu welli ku jirey Mukhttaar Roobow.



Inkastoo la sheego in dawladu taageertay C/casiis Xasan Maxamed oo ay xaq u leeyihiin inay taageeraan qof ay la shaqayn karaan, haddana ma cadda taageerada ay siiyeen inta ay leedahay.

Doorashada C/casiis Laftagreen waxay keenaysaa in sdhacabka reer Bay iyo Bakool ay helaan deganaanshaha ay u baahan yihin ayagoo hadda guraya dhagxaantii ay taageereyaadha xagjir Mukhtar Roobow ku qaribeeen wadooyinka magaalada.



Talaabooyinka uu qaadey isla xalayba waxay ahayd inuu la hadlo kuwa jufo ahaan ku taageersan Mukhtaar Roobow una sheego in intii lagu xirey rabshadaha qafiifka ah la sii deyn doono.



Doorashada C/casiis ayaa dhinaca kale ka dhigan in ay burbureen kooxdii isku magacowdey golaha maamulada gobolada oo taageerada ka haysta Imaaraadka iyo Sucuudiga.

”Somaliya waxay u baahan tahay deganaansho siyaasadeed waxase muuqata in kuwa aan rabin in dalku hore u socdo haba yaraatee ay markii bilaabeen inay ka hor yimaadaan dawlada ayuu yiri xildhibaan ka tirsan barlamaanka Somaliya.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS