X

Maxay ka dhigneyd booqashadii RW Abiy Axmed Cali ku yimi Somaliya

Maxay ka dhigneyd booqashadii Raiisal wasaare Abiy Axmed Cali ku yimi Somaliya. Ilaa intii uu xukunka yimi Abiy Axmed waxa gobolka u dilaacay waa cusub.



Booqashada raiisal wasaaraha ayaa ahayd mid dhaqaale waxayna soo dhamaystiraysaa booqashooyin Abiy uu ku tagey dhamaan wadamada jaarka ah.

Itoobiya ayaa qudheeda waxa u furmey waa cusub oo ka fog colaad maadaama qowmiyada ugu badan dalkaasi ay xukunka haysato.



Inkastoo siyaasad degan iyo dawlad adag ayna ka jirin dalka hadana waxa muuqata in raiisal wasaare Abiy uu rabo in waxkasta uu u soo maro dawlada Somnaliyeed halkii awal Tigreega xukumi jirey dalka uu gooni gooni u taageeri jirey maamulada jufooyinka.

Somaliya oo dekedo badanleh waxay Itoobiya ka caawin kartaa inay balaariso ama yarayso kharashka kaga baxaya isticmaalka hal deked.



Waxaan booqashadiisa lagu soo koobi karaa mid fariin loo dirayo maamul goboleedyada iyo Itoobiya ahsayn tii hore u yaqaaneen.

Dhinaca ganacsiga waxa la oran karaa waxay ku xiran tahay inta Itoobiya rabto inay gaarsiiso.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.