X

Maxay kooxda sheegata beesha caalamka u horjoogtaa doorashada dalka: DAAWO

Waxa maalintii labaad xaruntii ciidanka CIRKA ee magaalada Muqdisho fadhiya madaxda qaranka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha iyo raiisal wasaaraha, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Waxana lagu lafo-gurey arimo muhiima.


”Waxa shirka welli ka maqan kooxda sheegata beesha caalamka oo iyagu wata labada horjooge ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayna ku hayaan xerada gaalada ee XALANE. Qoraal uu soo saaray horjoogaha kooxdan beesha caalamka waa ninka lagu magacaabo  James Swan ayuu si munaafaqnimo u sheegay in shirka lala sugo kuwa maqan.


”Ujeedada kooxdan sheegata caalamka horena waan u sheegnay haddana waan ku celin doonaa waa in hogaanka shirka ay la wareegaan, ayagoo dhahaya Somalidu ma heshiinayaan ee anagu aan wadno, shirkuna XALANE haka dhaco ayuu yiri Cali Calasow.


Dawlada Somaliya marnaba ma yeelayso in gaalo hogaamiso una yeeriso sheekadaas 2012 ayaa noogu dambeysay ee taas niyada ha gashadaan.

Hoos ka daawo wasiirka warfaafinta oo soo xirey maalintii labaad shirka loo fadhiyo


C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.