X

Maxay ku dhacday in Itoobiyaanku diidaan farogelinta shisheeyaha Somaliduna

Isku soo baxii ugu weynaa ayaa maanta ka dhacday Addis ababa oo magaalo Oromo ah loogana soo horjeedo farogelinta Maraykanka iyo Ingiriisku ku hayo arimaha Itoobiya siiba dagaalka Tigreega hilfaha loogu qaadayo.

”Ilaa intii dawlada dhexe qaaday talaabada ay hilfaha ugu qaadayso Tigreega ay dabada ka wataan ayaa saxaafada labadan dal ay wadeen been afuufkii ugu weynaa sida Cabi Axmed ayaa cararaya iyo Tigree ayaa caasimada qabsanaya ayuu yiri Xuseen Warsame.


”Haddii dawlad lagu ridi karayo hadal waxay ku niyad jebiyeen qarankii Somaliyeed kadib markii ay soo hubeeyeen jabhado qabaaila aakhirkiina ay keentay in madaxweynihii xilligaas aayar dalka ugu baxo ayuu raaciyay Xuseen Warsame laakiin taas kama dhacayso Itoobiyaa.

Marnaba ma dhacayso in Tigree aayar gacanta loo geliyo xukunka Itoobiya waa baabacadaa oo timo ka soo baxaan.


Sababta waxaan u aanaynayaa in Somalidu shisheeyaha u nugushahay inkastoo ayna lahayn awood ay ku qabsan karaan dalka haddana cadaadisyo farabadan awgeed waxay sababtey in talo qaldan la siiyo dawladii qaranka.



”Itoobiyaanku waxayba ka qaadeen farogelintan Maraykanka iyo Ingiriiska inay iyagii midoobaan oo xitaa kii waxoogaa dhaliilsanaa meelaha qaar uu aamuso oo horta qaranka badbaadiyo ayuu yiri Xirsi Warfaa taas waxay muujinaysaa wadanimada.

Halkii inaga laynooga dayan lahaa ayaa nasiib daro noqotey inaan inagu dad kale wax ka barano ayuu raaciyay Xirsi Warfaa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.