X

Maxay Somaliya uga dhigan tahay hogaanka Axmed Karaash

Waxa niyad-jab xoogan ku dhacay kooxda Xalane iyo kooxda Sahan ee ka shaqeeya sidii Somaliya ayna weligeed u helin dawlad xoogan oo soo celisa sharaftii dalku lahaa burburka kahor. Hogaanka Axmed Karaash meelna kama soo galo riyadaa kooxda Xalane iyo kooxda Sahan.


Sida muuqata horjooge Siciid Deni ilaa hadda kama hadlin hogaanka uu la wareegay Axmed Karaash oo isagu sheegay inaanu jirinba wax wada shaqayna oo kala dhexeeyay isaga iyo horjooge Siciid Deni.

Horjooge Siciid Deni oo Imaaraadka iyo Kiiniya ka soo qaaday kiishash lacaga wadana balan qaadyo keydadka bangiyada loogu buuxinayo xildhibaankii isaga u codeeya ayaa si toosa ugu ololeeya Somaliya oo diciifa.


Wuxuu olole weyn ugu jiraa maamul jufeedyo awood leh oo si toosa macaamil ula galaya adduunka, xitaa waxa maamulku samaystey dastuur ka dhigayo maamul madax banaan ayuu yiri Cali Calasow.

Markaa waxaas oo dhan aad isku gayso waxa guul ilaa hadda wata qaranimada halka kooxihii ka shaqaynaayayy inay iyagu dusha ka maamulaan maamul jufeedyo xoogan iyo dawlad dhexe oo diciifa ay dhulka ciida dareen.


Waxa isbedelka maamulka Butlaan laga dareemay Xalay saqdhexe xerada Xalane ee gaaladu dalbatey in lagu qabto doorashada madaxweynaha. Si kastaba haahaatee waxaan sugnaa sida arimuhu noqdaan maalmaha soo socda.



Weerar caawa ka dhacay Gaalkacayo oo lagu qaaday guri uu deganaa wasiirka arimaha dibeda ayaa waxa cad in durba horjooge Siciid Deni iyo kooxda Xalane ay gaysteen. Waxa la sheegayaa in nabadoon C/samad Yaasiin uu dhaawac soo gaaray.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.