X

Kiiniya oo ciidamo badan diyaarado ku gaysay Ceel-Waaq iyo ujeedada

Kiiniya oo ku jirta dagaalkii ugu dambeeyay ee ay is leedahay doorashada yaanu ku guulaysan madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamo badan ku soo daadisay deegaanka Ceel-Waaq ee gobolka Gedo. Ujeedada ayaa ah in doorashada la boobo.


”Kiiniya marnaba ma moogaan mowqifkeeda ku aadan inay hubiso si aan madaxweynaha Somaliya u soo noqon, haddii uu soo noqdana ay u dhamaanayso sii joogitaanka dalkeena ayuu yiri Cali Calasow.



Ciidamada ay Kiiniya u daadguraysay Ceel-waaq ayaa isugu jira kuwooda oo kaamarada laga qariyay iyo kuwo daacad u ah horjoogaha ay Kismaayo ku hayso ee Axmed Madoobe.


Guddiga doorashada ayaa dhawaan ku qabanaysa degmada Garbahaaray xildhibaanada gobolka Gedo, Kiiniyase dagaal ayay ka xigtaa.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.