X

Maxay tahay ujeedada laga leeyahay idaacad haweenka u gaara

Waxa hay’adaha gaalada u adeega sida kooxda qaramada midoobay sheegata ayaa magaalada Muqdisho ka fuliyeen idaacad haweenka u gaara oo ilaa hadda aan la garanayn waxa khaas u yeelay haweenka Somaliyeed.


Idaacadan oo kharash garaynayso kooxda qaramada midoobay ayaa waxa ka shaqayn doona haween keliya ilaa qofka duubaya ilaa kan warka soo diyaarinaya waa haween ayay tiri Nasriin Maxamed.


Haddaba waxaad is weydiin kartaa maxay tahay ujeedada gaaladu ka leedahay idaacadan

”Ujeedadu way iska cadahay waxayna rabaan gaaladu inay idaacadan ka fushadaan qorsheyaasha ay ka fushan waayeen idaacadaha kale ee gaalada ee lagu furey dalka sida Been been sii (BBC), Codka Maraykanka iyo kuwa u adeega amaa wararkooda sii faafiya ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho jooga.


Waxa cad in fikradaha gaalada ee khaniisnimada iyo haween tartan kula jira ragga iyo la dagaalanka qoyska iyo haweenka Soamliyeed oo laga dhigo kuwo duleysan ay yihiin kuwa la faafin doono ayadoo ujeedadu tahay in loo socdo diintooda iyo sharafkooda ayuu raaciyay,

Ma aragno dhulka gaalada idaacad haween u gaara marka waxaad is weydiin kartaa waxa dhul Islaama loogu baahday inay ka furtaan mid haween u gaara iyaguna kharash gareeyaan.


Waxaad is weydiin kartaa goorma ayaa kooxda sheegata qaramada midoobay ay ogaadeen in barnaamij noocana loo baahan yahay kadibna garteen dawladaha dhan in halkaas lacag lagu bixiyo.


”Waa barnaamijyadii gaalada ee lagula dagaalaayay qoyska, waxana muhiima in isha lagu hayo waxay dumarka u akhrin doonaan, kaaga daran waxay yiraaheen waxaan u keeni doonaa naagaha idaacadaha gaalada kuwooda mudada dheer ka shaqeeyay ayuu yiri Xirsi Cali.



Gaalka barnaamijkan wada ayaan ka jawaabin maxay tahay waxa ka maqan warbaahinta Somalida ee ayna sheegin ama haweenka kale ee ka shaqeeya ayna sheegi karin. Way cadahay in barnaamijyadii gaalaynta iyo qoys la dirirka ay wataan ayu raaciyay Xirsi Cali.

Waxa hore u fashilmay idaacad noocana oo laga hirgeliyay Muqdisho, waxase tan ay rabaan inay gobolada dalka gaarsiiyaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.