X

Badda Kiiniya u daa aan dib kuu dooranee ayaa laygu yiri waanse diidey: Farmaajo

Aniga waa hore ayaan doortey qaran ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay xuska 12 guurada ciidanka qaranka oo si weyn loo soo agaasimay. Madaxweynaha ayaa xusey cunaqataynta hubka ee dalka saaran. Waxa xaflada ka soo QAYB galay dhamaan wufuuda ATMIS.


Madaxweynaha ayaa sheegay in lagu yidhi ka hadh badda una daa Kiiniya aan dib kuu dooranee waanse diidey ayuu yiri. Waxa uu tilmaamay inaan shaqsi ciidanka lahayn ee ciidanku u adeego qaranka. Cali Maxamed Geedi ayaa tilmaamay in dadka diidan ciidanka qaranka ay yihiin ciyaala suuqiin.


Xuska 12-ka Abriil ayaa imaanaysa xilli welli kooxda Xalane ay ku dhegan tahay doorashada dalka inay soo af-jaranto, wellina hadhsan yihiin kuraas aad u farabadan.



Madaxweyne Farmaajo ayaa shantaa sano ee dawladu jirtey ayna jirin hal maalin oo ciidanka mishaharkiisa aan la waayin iyo weliba shaqaalaha dalka inta u shaqaysa dawada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.