X

Maxay tahay ujeedada safiirka Maraykanku askar u geeyay Berbera

Waxa maanta magaalada Berbera tagey safiirka Maraykanka u fadhiya Somaliya iyo milatari uu hogaaminaayo. Ujeedada ayaa lagu sheegay in la soo arko nooca madaar ee Imaaraadku ka dhisay halkaas iyo sida xulafada Maaraykanku uga faaiideysan lahaayeen.


Dabcan waxa su’aalo badan la iska weydiiyay xilliga safiirku meesha tagey oo ah xilli xasaasiya maadaama dalka ay doorasho ka jirto. Imaaraadka oo Maraykanka dabada ku wata ayaa Berbera ka dhisay madaar milatarugu isticmaali karaan.

Inkastoo sheekadaas ay ka diideen dawlada Somaliya una sheegeen hadduu faraha kala bixi arimaha gudaha ee dalka aanu mahadin doonin waana la ogaa in Marayanku taageersan yahay in uu saldhigii hore dib u isticmaalo.


”Somaliya diyaar uma ah in Maraykanka iyo wax la mida ay saldhig ka samaystaan dalka meel ka mida, diyaarna uma nihin inay waxaas noola yimaadaan ayuu yiri masuul u hadlay wasaarada arimaha dibedda Somaliya.



Maamulka beesha dhexe ayaa ictiraaf ku raadinaya hal dhinaca laakiinse waata Maraykan ku jabi doono haddii faraha la galo arimaha gudaha ee dalka.


”Runti waxay sugayaan in doorashada uu ka soo baxo horgale iyaga u adeega, booqashada ay maanta ku tageena waa hordhac haddii isbedel dhinacooda uu ka dhaco Muqdisho ayuiu qabaa Xuseen Warsame.

Maraykanka ayaa maamulkan u keenay Taywaan oo ah gobol ka ida Shiinaha ay ku fushadaan danahooda.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.