X

Dhalinyaro sadexa oo siyaabo kala duwan loogu dilay Boorama

Waxa caawa magaalada Boorama ka dhacay dil foolxun oo magaaladu ayna u baran. Sida wararku ay sheegayaan wiil dhalinyara ayaa midi ku dilay wiil kale kadibna walaalkii ayaa qori ku weerar tagay.


Waxa wararku intaas ku darayaan in walaaka aargoosiga u tagay uu isna diley laba dhalinyaro ah oo kale oo aan la hubin inay ku jiraan wiilkii dilka hore gaystey.


Ayadoo xilli dambe ay tahay ayaan laga hayo faahfaahin dheeraada. Dilkan ayaa goobjoogeyaal sheegayaan inaanu la xidhiidhin dhinaca siyaasada oo ay sheegeen in dilalku gobolka uga yimaadaan Muuse Biixi.

Meydka sadexda dhalinyar ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Boorama. Wiilashan ayaa intuba ah beelaha Samaroon.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.