X

Maxay warbaahinta gaaladu weerarka ugu haysaa madaxweynaha talada dalka haya

Waxay ka cabanayaan inuu eryay ergaygii hore ee qaramada midoobey u fadhiyay Muqdisho oo toos u farageliyay arimaha siyaasada ee dalka. Marnaba ma fileyn in iyaga lagu soo jeesto in loo sujuudo mooyee ayuuu yuri Cali Calasow.


Wixii intaas ka dambeeyay waxay ka gaabsadeen siyaasada dalka waxayse bilaabeen inay dib u fiiriyaan dastuur dhoodhoobka ay qorteen oo halkaa ka soo galaan siyaasada dalka.

Waxay sanadkii hore horaantiisii xooga saareen inay barlamaanka daaqada ka saaraan oo xoojiyaan maamul jufeedyada si ay ugu daba dhuuntaan halkaana uga aargoostaan madaxweynaha talada haya ee Farmaajo si loo carqaladeeyo nidaamka doorashada.


Nasiib daro madaxweynaha waa ka ogolaadey in maamul jufeedyada iyo dawlada dhexe wada gooyaan talada doorashada. Waxana kaalintaas ku farxay kooxda sheegata beesha caalamka, ilaa haddana taladu gacantooda ayay ku jirtaa maadaama ay doorashadii ku soo dhaweeyeen xaruntooda XALANE inkastoo ay jeclaayeen inay iyagu joogaan.

”Taasi ma dhacayso waxayna u muuqataa tanaasulkii ugu dambeeyay ee uu sameeyo madaxweynaha talada haya ayuu raaciyay Cali Calasow.


Saxaafada caalamka oo uu ugu horeeyo Ingiriiska ayaa raba inay arkaan dhabarka Farmaajo ama xukunka laga bedelo laguna bedelo fadhiid iyaga u sujuuda. Waxayna aduunka siiyaan ifafaalo xun.

Waxay madaxweynaha ku tilmaameen mid ku xirtey Eritariya ayaga oo amaan kala duldhacay horjooge Muuse Biixi, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe kuna tilmaamey maamul jufeedyo xoogweyn.


Si kastaba ha ahaatee dadka Somaliyeed waa daawanayaan weerarka lagu hayo qaranimada dalka waayo soo noqoshada madaxweynaha talada haya ee gaaladu eryanayso waxay dalka u tahay horumar weyn waana qirsan yihiin.

Waxase su’aashu tahay intee inleeg ayay iibsan karaan xildhibaanada soo baxaya ee iyagu gacanta ku haya dib u doorashada madaxweynaha talada haya, ayagoo u jeeda halka dalku marayo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.