X

Maxay Yukraynta Maraykanku wato u weeraraysaa warshad halisa?

Miltariga Ruushka ayaa ka digey in Yukraynta Maraykanku wato ay madaafiic ku soo tuureen aaga warshada ugu weyn Yurub ee korontada ka dhalisa quwada nukliyeerka. Warshadan ayaa waxa Ruushku qabsaday bilowgii dagaalka.


Hadda waxa warshadan jooga ilaalo ka socoto hay’adda Ruushka u qaabilsan ilaalinta quwada nukliyeerka ee laga dhaliyo korontada iyo shaqaalihii hore uga shaqaynaayay warshada.

Madaafiicda Maraykanku siiyay Yukrayn ayaa dhowr jeer ku ag-dhacday warshada iyo dhismayaal u dhow, waxana ayanu ognahay in madaafiicda Yukrayn ay ridayaan isla Maraykanku. Shirkada maamusha warshada ayaa sheegtay inay bakhtiisay mid ka mida dhaliyeyaasha korontada si ayna madfac ugu dhicin.


”Haddii warshadaas madfac ku dhaco waxa masuuliyadeeda qaadaya Maraykanka oo siiyay hub lagu weeraro warshad halisa, aana ognahay in isla maraykankui ridayo madaafiicdaas ayuu yiri masuul u hadlay Ruushka. Aafada ka dhalatana waxay gaaraysaa ilaa Yurub.


Haddaba maxay taahy danta warshad faaruqa ay madfac ugu soo ridayaan Yukraynta Maraykanku wato. Iyaga Yukrayn ahaan waxay u tahay mar haddii gobolkii laga qabsaday yayan waxba ka dambeyn laakiin ma fahamsana in suntu iyaga qaadi doonto.



Halka Maraykanka hubka ridayana uu marmarsiiyo ka dhigan doono in isla Ruushku ku gubay. Si kastaba ha ahaatee waxa arintan ka hadlay Shiinaha oo sheegay in wixii yimaada uu Maraykanku ka masuul yahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.