X

Maxkamad ku taal Itoobiya oo diidey sii deynta Jawar Maxamed

Maxkamad ku taal caasimada Itoobiya ayaa la sheegay inay diidey sii deynta Jawar Maxamed oo loo haysto xasuuq ka dhacay gobolka Oromada kadib dilkii fanaanka Oromada. Jawar aya sugaya maxkamad.


Jawar Maxamed oo hadda ay is hayaan raiisal wasaaraha Itoobiya oo ay isku khilaafeen xisbiga cusub iyo kala dirista nidaamka federaalka oo inta badan aan si buuxda uga dhaqan gelin Itoobiya.

Siyaasiga Jawar Maxamed oo hatsta taageero farabadan ayaa sida la sheegayo xukun adag haddii lagu helo inuu ka dambeeyay dilkaas dhacay. Waxa la sheegayaa in ilaaladiisu rasaas fureen ay ku dhimatey ilaa shan qof.


Jawar ayaa beeniyay in ilaaladiisu dishey dad kuna eedeeyay hay’adaha amniga inay rasaasta fureen. Ilaa hadda ma jirto hay’ado madax banaan oo xaqiijiya cida dilalka gaysatay.

Itoobiya ayaa ku jirta qalalaase siyaasadeed, ayadoo gobolka Tigreegu sheegen inay doorasha qabsan doonaan halka dawlada dhexe iyo barlamaankuna sheegay inay tahay sharci daro.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.