X

Kiiniya oo tabaysa Shariif sh Axmed iyo Xasan Sheekh

Warbixin lagu qorey wargeys ka soo baxa Kiiniya ayaa lagu sheegay in Kiniya sugi kari la’dahay doorashada dalka Somaliya. ”Waxa caada noqotey in halmar la doorto madaxweynaha oo ka dhigan in madaxweynaha hadda ay adkaan doonto sida uu ku soo laabto ayuu qorey wargeysku.


”Markaa waxa rajo fiican leh waxa ay ku tilmaameen madaxweyneyaal hore u shaqeeyay oo shaqo fiican qabtey sida Shariif sh Axmed iyo Xasan Sheekh ayay raacisay. ”Waxay ku andacoonayaan waxqabadkii ay qabteen ayay ku sii waday ayadoo faahfaahin waxqabadka ay sheegayaan.

”Waxayse ku sheegeen waxqabadkaas xiriirka uu la lahaa Xasan Sheekh Kiiniya oo ay ku sheegeen mid iyaga u ahaa haye sida maamulkii qasabka ahaa ee ay Axmed Madoobe u sameeyeen.


Shariif Sh Axmed ayaa isna ahaa kii wadanka qaska wey geliyay ee dastuurkii qaranka ku bedelay midka gaalada ee khaniiska fasxaya. Waxay isagana ku tilmaameen mid waxtar u lahaa dalka, waxayse ku calaacaleen in dastuurkii lala rafaadsan yahay in la dhamaystiro.

Dastuurkaas ayaa gebi ahaanba ka soo horjeeda diinta islaamka, waxana afka baarkiisa looga dhigey wixii diinta khilaafsan waa waxba kama jiraan.


Waxay ku soo gabagabeeyeen isku soo duuboo xataa hadayna soo bixin, ma soo noqonayo Farmaajo, waayo waa dhaqan durba la bartey oo ah in halmar la doorto madaxweynaha.

Cali Calalsow ayaa qaba si loo helo xasilooni siyaasadeed iyo mid dhaqaale waa dawladu jirtaa ugu yaraan 6 sanno. Laakiin ma jirto cid ku dhiiratey inay hagaajiso ama daaqada ka tuurta dastuurkan gaalada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.