November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Maxkamad ku taal Sucuudiga oo soo saartey dadka is furey 2016 iyo haween guurkooda la joojiyay

Maxkamad ku taal dalkaasi Sucuudiga ayaa soo saartey inta gobolka Jiddah isku guursatey sanadkii hore iyo inta is furtey iyo waliba haween guurkooda la joojiyay.



Maxkamada ayaa sheegtay in 19,563 ay sanadkii hore iska guursadeen gobolka Jiddah halka 5,942 qof ay yaguna is fureen. Warbixinta ayaa sii faahfaahisey qaybta furiinka sheegtayna in ay ku jiraan 847 haweena oo iska furey ninkooda.



Waxase laga yaabay haween guurkooda la joojiyay iyadoo la arkey in qabiilkoodu fiicnayn ama ay bulshada ku lahayn waji fiican. Maxkamadu ma sii faahfaafin waxa ay uga jeedo arimaha kore.

Waxa kale oo ku jirey sadex furiino oo yimi kadib markii ragii awoodi waayeen in ay gutaan hawshii guurka ee dhinaca maamuka maaliyada ama awoodi waayeen dhinacii masruufka.



Waxa kale oo furiinka ku jirey 18 isku furey markii mid ka mida uu sameeyay gogol dhaaf halka qaar kale iyagu isku fureen dagaal dhexmaray.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS