12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maxkamad ku taala Ingiriiska oo Somali daroogada ka shaqeeya xukuntey

Maxkamad ku taala Ingiriiska ayaa Somali daroogada ka shaqeeya xukuntey. Afar nin oo isugu jira Somali, Afrikaan iyo cadaan oo ku kala noolaa magaalooyinka London iyo Biristal ayaa ka shaqayn jirey daroogada kadib markii Somali kale oo iyagu ka shaqaysta Biristal ay is qilaafeen.



Midka mida Somalida ayaa guri ku yaala Biristal oo ku taal galbeedka Ingiriiska midiyo iyo qalab kale ku weeraray ilaa dadkii jaarka ahaa soo baxeen kadibna waceen booliiska.



Waxa guriga lagu diley wiilkale oo Somali ah oo aabihii sheegay inuu dugsiga ku fiicnaa rabayna inuu galo jaamacad caafimaad oo ku tala Shiinaha lacagtiina bixiyay laakiin aanu ogeyn inuu daroogiiste yahay.



Wiilka Somaliga ee midida lagu dilay ayaa lagu magacaabi jirey Yaasiin Axmed. Dhalinta Somalida ee waalidkood kala soo caraeen iscunka iyo mustaqbal xumada ay keentay burburku ayaa iyagu la shaqaystta madowga nolosha ka dhacay ee daroogada ku nool.

Waxa afartan la liqsiiyay xabsi daa’im inkastoo markaaba la soo daayo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS