X

Maxkamada ciidamada oo xukun ku ridey argagixiso: SAWIRO

Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun waxaa ay ku riday argagixiso ka tirsanss kooxfa gaalaynta ee Shabaab. Argagixiskaan ayaa ayaa kooxda u qaabilsanaa hub soo gelinta.


Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse oo magaciisa Afgarashada ee argagixisadu ku qariso loo yaqaano  (Xuseen Dheer) ayaa loo qabtey bishii labaad ee sanadkan mar uu hub gudbinaayay. Sida uu ku sheegtay Caddeymaha ay ka qoreen Hey’adaha Baarista Amniga wuxuu dhiigmiiradkani ku biirey argagixisada bilowgii Ogos sanadkii hore,  Laba kale oo ka tirsan Ehelkiisa ayuu  sheegay in ay ku qanciyeen ka mid ahaanshiyaha kooxda gaalaynta.


Ilaa seddax jeer ayuu sheegay in uu magaalada u  kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeelada.

C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.