X

Maxkamada ciidanka oo dhalinyaro xukuntey iyo dambiyada lagu helay: SAWIRO

Maxkamada ciidanka ayaa dhalinyaro ka tirsanayd ciidanka xukuno ku ridey. Dalinyartan ayaa ka tirsanaa guutada 14-ka Oktoober oo maalmo hore uu tababarka u soo xirey raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Magacyada dhalinyarada la xukumay


Dable Xuseen Baashi Cawad Canshuur, C/wali Ibraahim Maxamed Xasan, Sharmarke Cabdi Maxamed Nuur, Ismaaciil Saciid Muuse Xiir, C/wali Faarax Ismaaciil Maxamu’ud, C/shakuur Maxamed Xirsi Cali, Fatxi Aadan Cali Yuusuf, Jaaamac Cabdullahi Maxamuud Cige, C/kaafi Maxamed Diiriye Farweyne, Maxamed Axmed Dhalac Cabdi, C/nuur Cabdullaahi Maxamed Cabdi, C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise, Daahir Maxamuud Gurxan Cali, Axmed Jaamac Siid Cali, Cabdi Xasan Maxamuud Jaamac, Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi, Cali Maxamed Abyan Cilmi iyo Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac.


Maxkamadda ayaa ku xukuntay 5 sano oo xabsi ciidan ah keddib markii ay ku cadaatay in si wadajir ah uga qeyb qaateen abaabulo qabyaaladeysan iyo kicinta rabshado ciidanka dhexdiisa ah, waxa ayna si isku mid ah u diideen amarka taliyahooda oo uu weheliyo abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Sooomalaiyeed sida uu u sheegay G/dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow) oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada 1-aad.


Waxa jira kuwo lagu helay isticmalka maandooriyaha oo ka madnuuuca dalka iyo ciidankaba. Dhibaatada ugu weyn ee haysata ciidanka aya ah akhlaaqad xumo, ayagoo dabada ku riixaya dhinaca qabiilka ogna in laga soo daba ordi doono.

Guutadan ayaa madaxweynuhu amrey samaynteeda kadib xasuuqii argagixisadu ka fulisay bishii Oktoobar kuna dishey in ka badan 500 oo qof.


Wararka dhalinyaradan ayaa sheegaya in ay ka soo jeedaan beelweynta Dhulbahante ee gobolada SSC

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.